In Kudhaw 10 Caruur Ah Oo Ku Dhimatay Dagaal Dhaxmaray Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab

0

War goordhaw naga soo gaaray degmooyinka Jowhar iyo balcad ayaa ku waramaya gobalka shabeelaha dhaxe, ay maanta ku dhinteen ku dhawaad 10 caruur ah oo dhiganeysay dugsi lagu barto Qur’aanka.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab kana dhacay duleedka deegaanka Qalimow ee Gobalka shabeelaha dhaxe ayaa sababay in halkaasi ay maanta ay ku geeriyoodaan ilaa iyo lex ruux caruur ahaa oo dhiganeysay madaraso lagu barto qur’aanka kariimka iyo adaabta diiniga ah.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa inuu si gaar ah kaga dhacay tuulo lagu magacaabo Jamaaca jaalle ee duleedka deegaanka Qalimow oo 30 Km u jira Xarunta Gobalka shabeelaha dhaxe ee magaalada jowhar.

Xiriiro idaacada samba ay la sameysay dadka deegaanka jamaaca Jaale ayaa ku waramaya in xaalada ay tahay mid kacsan, maadaama halkaasi uu dagaal kulul ku dhaxmaray ciidamada dowlada iyo Alshabaab.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay maamulada shabeelaha dhaxe ama kan Xarakada Al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here