General Koronto: “Al-shabaab Waxaan Ka Dilnay Sarkaal Kasoo jeeda Wadanka Comoros”

0

Taliyaha ciidamada xoogga dalka qeybta 27-aad oo ka howlgala degaanada Hirshabeelle General Maxamed Axmed Macalin Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo lagu la sheegay in lagu dilay Dagaalyahano katirsan  Al-shabaab oo hogaamiye Ajaanib ah uu  kamid ahaa.

General Koronto ayaa sheegay Howlgal maalmo ka hor ka dhacay degaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe in Ciidanka xoogga dalka ay ku dileen nin Ajnabi ahaa oo ka bar bar dagaalamayay Shabaab, kana mid ahaa Ajaanibta ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo la sheegay inuu ka soo jeedo wadanka Comoros.

Taliyaha ayaa xusay in ay helleen macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan in Ninkaa uu u dhashay dalka Comoros, isaga sheegay in jiraan ciidamo hor leh oo Al-shababab ay geeyeen deegaano la weeraray.

Wuxuu sheegay in howlgaladan ay sii socondaanaan ay yihiin kuwo ka duwan kuwii hore.

Deegaano hoostag degmada Balcad ayaa waxaa ka dhacay howlgalo ballaaran oo looga soo horjeeday Alshabaab,kadib markii ay weeraro ku soo qaadana xarumo Ciidamada dowladda ay ku sugnayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here