Wasaarada Amniga “Al-shabaab Waxaan Ka Dilnay 200 Oo Hogaamiyaal Ay ku Jiraan”+Dhageyso

0

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo Wareysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey tirada guud ee Xubnaha Al-shabaab ee Isku soo Dhiibay Dowladda iyo kuwa lagu dilay Weerarada Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Saaxiibadooda Militariga.

Afhayeenka  Wasaarada Amniga Qaranka ayaa Sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidanka gaarka ah Dowladda Maraykanka oo howlgalo Cirka iyo Dulka ah ay ku Dileen ugu yaraan 200-Dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, halka tiro kalena ay is nabad ah isku soo dhiibeen Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada Koofur Galbeed iyo Jubaland.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaarada Amniga C/casiis Cali ayaa faah-faahinka bixiyey Howlo Xalay ay Ciidamada Dowladda ay ka Fuliyeen qaarka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir, waxaa uuna Xusay inay gacanta ku dhigeen Hub iyo danbilayaal halis ku ahaa Amniga wadanka kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayey Xaafado gaar ah oo ciidamadu ay bartilmaameedsadeen.

C/casiis Xildhibaan ayaa Tilmaamay ciidamada Xasilinta ay qabteen Kooxo Xalay gaadiidka ka dhacay gudaha Muqdisho, islamarkaan ay Ciidamadu ku guuleysteen in Muddo 40-daqiiqo inay gacanta ku soo dhigaan gaadiidkaas oo ay dib ugu soo celiyeen Muwaadiniintii lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sanadkii 2017-kii waxaa ay Magaalada Muqdisho ka howlgalisay Ciidamo loogu Magac daray Ciidanka Xasilin Muqdisho waxaan ay Sheegtay in guulo badan ka gaartay islamarkaan ay Fashilisay weeraro la doonayey in lagu waxyeeleeyo Shacabka Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here