Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay mid kamid ah degmooyinka gobalka banaadir gaar ahaan degmada hiliwaa ee Magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa la sheegay in xoogag katirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku lahayeen Warshadii hore Nacnaca ee degmada Hilwaa ee Magaalada muqdisho.
Ilo dadka deegaanka ayaa Radio Simba u sheegay iney maqleen jug xoogan waxii intaa ka danbeeyayna ay maqlayeen rasaas labada dhinac ay is dhaafsanayeen, inkasto ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan dagaalkaasi qasaaraha rasmiga ee soo kala garay dhinacyadii halkaa ku dagaalamay.
Dhanka kale idaacada ku hadasha afka dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa baahisay in weerarkaas ay ka danbeyeen ciidamo iyaga katirsan oo ay sheegeen iney weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahayeen degmada hiliwaa ee gobalka banaadir, inkastoo shabaab ay shaacin qasaaraha ka dhashay weerarka ay ku qadeen fariisimihii ciidamada dowladda somaaliya ay ku lahayeen Hiliwaa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa intaa ku dara in ciidamada dowladda soomaaliya ay sakay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo dadka deegaanka ay ku sheegeen iney gawaarida ku barayaan iyo xaafadaha ka ag dhaw halkaasi, si ay kaga baaraan ragii ka danbeeyay weerarkii xalay lagu soo qaaday.

