Waxgaradka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Sheegay in Ciidamada AMISOM bilaabeen Weeraro Bartilaamaameed ah oo ay ku Hayaan mid ka mid beelaha Gobalka Shabeelaha Hoose, islamarkaana ay la safanten garab kamid ah maleeshiyaadka ku dagaalamay Tuulooyin hoostaga Deegaanka Lambar-50.
Iimaan C/llaahi Khaliif Rooble oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay Ciidamada AMISOM si Bareer ah u laayeen Dad Rayid ah oo ku sugaan Tuulooyin Hoostaga No-50, ayaga oo gacan siiyey mid ka mid Maleeshiyo beeleed maalmihii danbe ku dagaalamaya Gobalka Shabeelaha Hoose.
Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay Mas’uulka Tahay beegsig ka dhacay gobalka Shabeelaha hoose, waxaana Xusay in Ciidamada Dowlada qeyka yihiin Qorshaha lagu laayey dadka Rayidka ah ee Qabaa’ilka Shabeelaha Hoose sida Iimaan C/llaahi Khaliif Rooble uu u sheegay Radio Simba ee M—Muqdisho
Halkaan Ka dhageyso wareysiga uu Iimaamka Siiyay Radio Simba

