Sawirro :- Baydhabo oo Maanta Marti Gelineysa Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Federaalka Iyo Kuwa Dowlad Gobaleedyada

0
Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya

Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay ayaa  ka furmay Shirka Guddoonada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

waxaa daqiiqado ka hor si rasmi ah kaga furmay magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shirka Guddoonada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulada Gobaleedyada dalka. Shirka ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar iyo gudoomiye ku xegeenka baarlamaamka Somaaliya.

shirkaan ayaana Socon doona mudo Sadex maalin ah, waxaana lagana soo saari doonaa War-murtiyeed ku saabsan xoojinta iyo wad shaqeynta Golaha shacabka iyo Baarlamaanada Maamul goboleedyada qeybta ka ah Dowlada Dhexe.

Magaalada Baydhabo ee Gobolkay Baay ayaa xalay waxaa ku hoyday Guddoomiyaha Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu wehlinayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Maamul Goboleedyada.

halkaan ka daawo sawirada Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa Shirka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here