Xalay wakhtiga magaalada Muqdishu markuu ahaa 11:40 habeen xoriyadiisa dib u helay Siyaasiga
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mal mahii ugu danbeyay u xirnaa Madaxda dowada somaliya, ayaa xalay xili danbe xuriyadiisa dib loo siiyay.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xalay lagu wareejiyey 40 xubnood ka tirsan Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye,kuwaas oo si adag u dalbaday in xoriyadiisa shakhsiga ah loo soo celiyo Siyaasiga Somaaliyeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyagoo kulamo kala gedisan ay la qaateen shalay Raisal Wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ay u sheegeen in aanu Cabdirxamaan wax denbi ah Qaranka ka gelin, lakiin uu u xiran yahay fikirkiisa siyaasiga ah oo Kaliya ayna tahay in la siidaayo.
Dhinaca kale waxa la sheegay inuu maanta kusoo laabanayo siyaasiga Maxkamada,si loo dhameystiro kiiska la xiriira eydeemaha lagu soo oogay ee ah qiyaano qaran dumisnimo iyo inuu abaabulayay falal ka dhan ah madaxda sare ee dowladda, waxaana la sheegay siyaasiga iney damiinteen Rag siyaasiyiin ah iyo odayaal 50 gaaraya oo kasoo jeeda beelaha hawiye ayna kamid yihiin Madaxweynayaasha Hir-shabeelle iyo kan Galmudug iyo siyaasiyiin kale oo garta sii deynta Siyaasiga dhinac kaga jiray.
sido kale Amarada la dul dhigay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa kamid ah inusa la hadli Karin Saxaafadda, inuusa dalka ka bixi Karin, iyo inuusa sameyn Karin dhaq dhaqaaq siyaasadeen, iyo inuu ogolaado u hogaansamida danbiyada lagu soo oogay
Xariga lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa siyaasiyiinta intooda badan ku sheegay mid aan sharci aheen oo loo macneesan karo inuu ahaa mid ku tagri fal awooda dowladda arintaasina hadii ay sii wado dowladda ay kala kulmi karto mucaarad badan oo kaga imaan kara dalka iyo dibadiisa, maadama aan Qufka lgu caburi karin inuu fakarkiisa ku cabiro qaabka siyaasida dalka ay u guur guureyso.
Xeriga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa magaaladda muqdisho laga dareemayay wadooyinka waaaweyn ee Magaalada oo la xiray iyo khal khalka jira oo ku sigtay arinta iney isku badasho qaab qabiil, kulama kala gedisan oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho oo ay yeesheen inta badan Beelaha hawiye ay kaga soo hor jeesteen qaabka loo maray Xariga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuursiyaasi.
