Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay iney wadaan isaga iyo xildhibaano kale mooshin ka dhan ah madaxweynaha Somaaliya farmaajo, waxuuna inta ku daray iney ku filan tahay intaan xildhibaan iney godoonka u gudbiyaan mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.
Mahad Salaad ayaa sheegay iney garayaan xildhibaanada wada mooshinka ilaa 96 xildhibaan, kadib kulamo kala gedisan oo ay ku yeesheen Magaalada muqdisho ay isku afgarteen iney gudbiyaan mooshinkaan oo la doonayo in taladada looga tuuro madaxweynaha somaaliya maxamed c/llahi farmajo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Warqadda codsiga in uu guddonka dib u furo kal fadhiga Baarlamaanka ay diyaariyeen walina aysan u gudbin Guddoonka,balse ay rajeynayaan iney dhawaan gudbiyaan.
Soo shaac bixida mooshinkaan ayaa kusoo beegmaya xili madaxda dalka ay ciidamo u direen guri uu deganaa siyaasiga cabdiraxmaan cabdishakuur kana mid ahaa xisbiga mucaaradka ee daljir, balse ciidamadii weerarka qaaday ay wada toogteen ilaalada siyaasiga iyo darawalkii c/raxmaan c/shakuur, oo qasaaraha halkaasi ka dhashay isku geyn tiisa ay gaartay dhimashada 6 ruux oo haweyne ay kamid aheyd.
Waxaa dhanka kale maxkamada ay maanta u fariisatay kiiska eedeynta ee c/raxmaan c/shakuur, kaa oo dowladda ay ku tilmaamtay qiyaano qaran oo ay ugu weyntahay duminta dowlada uu hogaamiyo farmaajo.
Mahad Salaad ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Reuters ku sheegay in ay filayaan in fadhiga Baarlamaanka uu dib u furmo mooshinka xilka qaadista Madaxweynahanaha ay dhawaan fulinayaan.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa daabacday in Warsame uu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha waa weyn ee dega Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hase yeeshee taageerayaashiisa iyo dowladaba waxa ay sheegeen in xiritaankiisa uusan sal ku lahayn khilaaf dhinaca beelaha ah.
“Xildhibaano badan ayaa ka careysan in dowladda oo sheegata inay sare u qaadeyso dib u habeynta dalka isla markaana xireysa siyaasiyiinta mucaaradka ku ah sida Cabdishakur Cabdiraxmaan,”sida ay daabacday wakaalada wararka caalamiga ee Reuters.

