Israsaaseyn Lagu Soo Qabtay Rag Hubeysan Oo ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

0

Ciidamada Amaanka dowlada Somaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay rag hubeysan oo watay mooto kuwaa oo qabashadooda ka hor ay israsaaseyni dhax martay ciidamadii  ku sugnaa xaafada Black Sea.

Ragaan ayaa la sheegay iney wateen mooto kuwaa oo markii ciidamada ay isku dayeen iney qabtaan uu dhax maray dagaal, waxaana halkaasi lagu qabtay mid kamid ah ragii hubeysnaa iyo mooto ay wateen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa intaa ku daraya in ruuxa Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen loo kaxeeyay Xarumaha Hay’addaha ammaanka dowladda eek u yaal magaalada Muqdisho.

Qabashada raggan hubaysan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii iska hor imaad uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo raggaan oo watay mooto oo markii danbe mid kamid ah gacanta lagu dhigay.

Lama Xaqiijin wali raggaasi inay yihiin kuwa Al-Shabaab ka tirsan iyo inay yihiin rag burcad ah oo doonaayay inay dhac ka gaystaan deegaano ka tirsan xaafadda Black Sea ee Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here