Madaxweynaha Galmudug,Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cabdiwali Jaamac (Gorod) iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ay si rasmi ah u fureen wadooyinkii ku xirmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii halkaasi uu gaarey wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug, kuwaasi oo howlo nabadeed ka dhexwada bulshada kunool magaaladaasi Gaalkacyo.
Madaxweyne Xaaf oo ay wehliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalada Gaalkacyo,iyagoo ka qaaday jidgooyooyin halkaasi yaalay.
Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen. Gorod ayaa sheegay in waddooyinka la furay ay bilow u noqon doonaan is dhex galka bulshada wada degan magaalada, waxaana uu rajo ka muujiyay in xaalada nabadgelyo ee magaalada ay noqoto mid horseeda horumar iyo barwaaqo.
In muddo ah waxaa kala xirnaa isu socodka dadka labada dhinac ee magaaladaasi Gaalkacyo,waxaana haatan lafilayaa in dadku ay dib u bilaabaan ishdexgal.






