Madaxweynaha Maamulka Hir shabbeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay golaha Wasiirada maamulkiisa taas oo uu ku howlanaa dhisidooda todobaadyadii ugu dambeeyay.
Wasiiradan cusub ee Hir shabbeelle ayaa ka kooban 57 wasiir oo isugu jira wasiiro ,wasiiro ku xigeeno iyo wasiiro dowlayaal
Aqoonyahan Guuleed Wililiq oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kana soo jeeda deegaanada Hir-shabbeelle ayaa hambalyo u diray wasiirada cusub ee maamulkaasi isagoona bogaadin kadib talooyin iyo fariimo horomarineed u diray wasiirada cusub oo an wili kalsoonida ka helin baarlamaanka maamul goboleedkaasi
Aqoonyahankan oo bartay cilmiga dhaqaalaha kuna sugan Dalka Mareykanka ayaa sheegay in wasiiradan cusub looga baahanyahay inay mudnaanta koowaad siiyaan dib u dhiska buundooyinka, kanaalada, iyo wadooyinka burbursan
Aqoonyahan Guuleed ayaa ku la dardaarmay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo masuuliyiinta maamulkiisa inay xooga saaraan oo ay ka shaqeeyaan caawinta beeraleeyda xaga abuurka iyo cagaf cagfat una qeylo dhaamiyaan heyadaha UNDP iyo FOUW inay xafiisyo ka furtaaan gobolka si ay dadka u tababaraan oo ay siiyaan tobabaro la xiriira xaga beeraha maadama deegaanada maamulkaasi uu ku tiirsanyahay tacbashada beeraha
Guuleed ayaa ugu dambeyn hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo sheegay in gobolka ay kajirto dhibaato weyn dhinaca horomar la,aanta mashaariicda sida kaluumeysiga ,beeraha , ganacsiga,iyo iskuulada lagu barto farsamada
Wuxuuna Madaxweyne Waare ugu baaqay in culeyska la saaro caqabadahaasi ku horgudban Gobolka.
Halkan ka dhageyso wareysiga Aqoonyahanka Guuleed Wililiq

