Wararka naga soo gaaraya deegaanada Gobalka Bakool ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Maamulka Koofur-Galbeed iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalkaan ayaa la sheegay iney soo qaadeen Dagaal-yahano katirsan Al-shabaab kuna soo qaadeen Ciidamo katirsan Maamulka Koofur-Galbeed oo ku sugnaa duleedka degmada Waajid ee Gobalka Bakool, halkaa oo ka dhacay dagaal culus oo labada dhinac ay is weedaarsaadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, balse aan la garan Karin qasaaraha rasmiga ee labada dhinac soo kala gaaray.
Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay iney weerarkaas ka danbeeyeen Ciidamo katirsan Shabaab halkaana ay qasaare kala duwan ku gaarsiiyeen sida ay sheegeen Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Koofur-Galbeed oo dhac u geysanayay gaari rakaab ah oo dad shacab ah saarnayeen.
Ilo dadka deegaanka ayaa Radio Simba u Xaqiijiyay inuu jiro qasaare soo kala gaaray dhinacyadii halkaa uu dagaalka ku dhaxmaray, lakin aysan Xaqiiji Karin qasaaraha Rasmiga inta uu gaarsiisan yahay.
Majirto ilaa iminka wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada waajid ee ku adan dagaalka la sheegay in lagu qaaday Ciidamo katirsan Maamulka Koofur Galbeed oo dhac u geysanayay gaari rakaab ah oo dad shacab ah saarnaayeen kaa oo marayay duleedka degmada waajid.
Mahan markii ugu horeysay oo Xarakada Al-shabaab ay guulo ka sheegtaan Weeraro ay ka qaadaan Ciidamada koofur-Galbeed iyo kuwa Dowlada Itoopiya ee ka howlgala Gobalkaasi.

