Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya In Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay gudaha u galeen goordhaweyd deegaanka duleedka kaga beegan degmada Guriceel ee Gobalkaasi, halkaa oo ay ku sugnayeen Maleeshiyaad dadka deegaanka ah.
ilo dadka deegaanka ayaa radio Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay iney arkayeen Dagaal-yahano fara badan oo katirsan Xarakada Al-shabaab oo gudaha u galayay deegaanka Dhagaxyaale oo Galbeed ka jira degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, halkaa oo ay ku sugnayeen Maleeshiyo dadka deegaanka.
Ciidamada la wareegay deegaanka Dhagaxyaale ee Al-shaabab ayaa wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana degmada Guriceel laga dareemayaa cabsi xoogan oo ku adan halka ay soo aadi doonaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee deegaanka Dhagaxyaale maanta gacan ku heystiisa la wareegay.
Ciidamada Maamulka iskii isku Magacaabay ee Gobalada dhaxe ayaa dhankooda heegan la galiyay maadama Al-shabaab ay dhaq dhaqaaq ka wadaan Duleedka degmada Guriceel.
dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa wali ka hadal la wareegi taanka Ciidamadooda ee deegaanka Dhagaxyaale oo Galbeed ka jira degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud oo la sheegay iney Ciidamadooda gudaha u galeen goor dhaw.
Xiriiro idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ay la sameysay Sarakiisha Ahlu-suna ee degmada Guriceel ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan la wareegi taanka shabaab ee deegaanka Dhagaxyaale, balse waxaa ay sarakiisha sheegeen iney dib faahfaahinta kasoo saari doonaan.
Alshabaab ayaa maal mahii ugu danbeyay sarakiisha Ciidamada Dowlada waxey sheegayeen iney sameysanayaan fariisimo Ciidan oo cusub, maadaama bilihii ugu danbeeyay Diyaarada dagaalka Dowlada Mareykanka ay kordhiyeen Weerarada duqeymaha ee ay la beegsadaan Fariisimaha Xarakada Al-shabaab ee ay ku leeyihiin deeganada Gobalada Dalka.

