Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo ay qayb ka yihiin ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi Carabey xildhibaano Iyo Wasiiro ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan shirka dib u hishiisiinta Maamulka Galmudug Iyo ahlusuna oo maalinka Beri ah ka furmi doona dalka jabuuti.
Sidoo kale waxaa dalka Jabuuti ku wajahan wafdi ka socda Maamulka Gobolada Dhexe ee ahlusuna waljameeca uu hogaaminayo Madaxweynaha Ku-xigeenka Maamulkaas Cali baashi, kuwaasi oo shalay galinkii dambe soo gaaray Magaaladda Muqdisho.
Wada-hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD, waxa uuna socon doonaa 27 ilaa 29 bishan November, labada dhinac ayaa la filayaa in ay is afgarad ku gaaraan halkaasi.









