Ciidamo Huwan Ah Oo La wareegay Deegaano Hoos-taga Magaalada Marko + Sawirro

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa  dib ula wareegay Deegaano hoos taga Magaalada Marka ee Xarunta gobalka shabeellaha hoose.

Ciidamada Xooga dalka oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa u suura gshay iney la wareegaan gacan ku heynta deegaanka abiikaroow oo kamid ah deegaanada hoos taga Magaalada Marka ee Gobalka sh/hoose.

Idaacada Simba oo xiriiro la sameysay dadka deegaanka ayaa u sheegay in ay arkayaan Ciidamo katirsan kuwa dowlada iyo kuwa AMISOM oo gaaf wareegaya Xarumihii Al-shabaab ay kaga sugnayeen deegaanka.

Talyaha Guutada Sadexaad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Abukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay Al-shabaab uga saareen abiikaroow ay ka gacansiityeen ciidamada Amisom.

Wali wax war ah kama soo bixin Xarakada Al-shabaab oo ku adan in Ciidamo huwan ah ay kala wareegeen deegaanka abiikaroow oo ay ku sugnayeen Ciidamadooda.

Ciidamada Xooga dalka ayaa mudooyinkaan danbe Gobalka shabeellada hoose waxa ay ka wadeen howlgalo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Gudaha Somaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here