Sawirro;-‘ Maamulka Banaadir oo Gudoonsiiyay Visa Caafimaad oo dalka Dibadiisa Wiil 7 Sano Jir ah

0

Maamulka Gobalka banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku gudoonsiiyay Visa wiil yar oo lagu magacaabo Maxamed cumar maxamed kaa oo qaba Xanuun dhanka wadnaha ah oo dalka wax looga qaban waayay, balse maanta Maamulka Gobalka Banaadir ay u suura gashay iney maanta gudoonsiiyaan aabaha wiilkaasi  Visa bilaash ah oo dalka Turkiga loogu qaadaayo.

Wiilkaan ayaa in muda ah ku xanuun sanayay Gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana Taqaatiirta dalka gudahiisa ay wax ka qaban wayeen Xaaladiisa Caafimaad, maadama xanuunka haya wiilkan uu yahay miduu ku dhashay. waxaana waalidiinta dhalay oo danyar ah ay Awoodiwaayeen in ay adeeg Caafimaad ay dibadda ugu qaadaan, Maadaama aan dalka wax looga qaban kari wayay.

Ugu horeyn goobta lagu gudoonsiinayay Visaha bilaashka aabaha wiilka Xanuunsanaya ayaa waxaa ka hadashay Gudoomiyaha degmada Boondheere ee Gobalka banaadir waxeyna sheegtay.

Dhanka kale waxaa Goobta isna ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Banaadir taabit waxuuna bulashada Soomaaliyeed ugu baqay iney usoo gurmadaan wiilkaan yare e dhanka wadnaha ka xanuunsanaya.

Ugu danbeyn waxaa Goobta ka hadlay abaaha Dhalay wiilka Xanuunsaya cumar maxamed ayaa Madaxda Maamulka Gobalka Banaadir uga Mahad-celiyey Gurmadka Caafimaad ee dalka dibadiisa ah loo fidiyey wiilkiisa.

Wilkaan oo mudo ku xanuunsanayey Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in loo qaado dalka Turkiga halkaasi oo Dabiib caafimaad loogu sameyn doono.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here