Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa saakay ka dhacay inta u dhaxeysa Isbitaalka xooga iyo Isgoyska Tarbuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lala eegtay Ciidamo katirsan kuwa Dowlada Somaaliya.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka Qaraxaan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa lala beegsaday Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaliya. Balse lama xaqiijin qasaaraha soo gaaray Ciidamada sakay qaraxa lagula eegtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegatay Qaraxa miino ee maanta lala eegtay Ciidamada Dowlada, waxeyna intaasi raaciyeen iney ku dileen Qaraxa sadax askari kuwa kalana ay ku dhaawaceen.
Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Dowlada oo adan qaraxan, balse Ciidamada degmada Hodan ayaa halkaasi ka wada baaritaano ku aadan ragii ka danbeeyay Qaraxaan.
Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa mas’uuliyadiisa sheegta Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalama Gudaha Soomaaliya.

