Natiijada Doorashadii Somaliland Oo Goor dhaw Lagu Dhawaaqayo

0

Waxaa lagu wadaa in maanta uu Guddiga doorashooyinka uu ku dhawaaqo natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 13-kii bishan novembar,iyadoo ay soo dhamaaden tirinta codadka.

Iyadoo taasi ay jiro ayaa hadana  xisbiga mucaaradka ah ee Waddani sheegay in aysan aqbali doonin wixii sharci daro ah xili ay cabashooyin ka muujiyeen qaabkii doorashada u dhacday.

Musharraxa madaxtinimada xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan aqbali doonin natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-ki bishan November ka dhacday Somaliland.

Cabdirraxman Cirro ayaa sheegay in doorashada ay ku gaddaamantahay madmadoow fara badan badan, taasoo dhalisay buu yiri musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan oo ka dhacday dhamaan meelihi ay ka dhacday doorashada ee Somaliland.

Warar ayaa intaasi ku daraya in Wariyaasha ku dhaqan Somaliland looga yeeray Xarunta Gudiga Doorashooyin, waxaana laga yaaba Daqiiqadaha nagu soo aadan in lagu dhawaaqo Natiijada doorashada Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaqday Madaxbanaanida.

Dhawaan waxaa ka dhacay deegaanada Soomaaliland rabshado salka ku haaya habka ay u dhacday doorashada,taasi oo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here