Weerar Lagu Qaaday Saldhiga Ciidamada Melitariga Soomaaliya ee Deegaanka Basro

0

Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaan u dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Saldhiga ciidamada dowladda ee weerarka lagu qaaday ayaa ku yaala waddada isku xirta Balcad iyo degmada Afgooye, gaar ahaan deegaanka Basra galbeedka ka xign degmada Balcad.

Al-shabaab ayaa sheegatay in Ciidamadooda ay weerareen saldhigaasi kuna dileen tiro askar katirsanaa Ciidamada Maletariga soomaaliy oo saldhig la weeraray ku sugnaa.

Dadka deegaanka oo Idaacada Simba ee magaalada muqdish0 ay la Xiriirtay ayaa shegay in saldhiga la weeraray ku sugnaayeen ciidamo aan badneyn oo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya, laakiin goob joogayaashu kama aysan hadlin khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellaha hoose ayaa waayadii ugu danbeeyay ahaa kuwo isa soo taraya iyaga oo weerarada ay qaadaan ku beegsada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here