Howlgalo Ka Dhan ah Xarakada Al-shabaab oo ka Socda Waqooyi Bari Kenya

0
Ciidamadda Meletariga Dowladda Kenya

Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya,amaanka Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa si aad ah loo adkeeyay ka dib markii Booliska ay sheegeen iney suurta gal tahay in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab weerar ka geystaan deegaanada Gobolka Waqooyi bari gaar ahaan magaalada Mandhera oo dhowr jeer ay weerareen.

 

Saraakiil Ciidamada amaanka Kenya ka tirsan oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay iney jirto fariimo Laamaha amaanka soo gaaray oo sheegaya iney Al-Shabaab qorsheynayaan iney weeraro dhabo gal ah ka sameeyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya kuwaasoo ay suurta gal tahay iney ku qaadaan Ciidamada amaanka iyo dadka misiixiyiinta kenyanka ah.

 

Ciidamo Boolis iyo Militari isugu jira ayaa bilaabay howlgal ka dhan Al-Shabaab ee ku sugan dhulka keynta ah ee Kenya gaar ahaan deegaanada Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku dhow.

 

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa la la’yahay halka ay cirib iyo jaan dhigeen ka dib markii dagaalyahano looga shakisan yahay Xarakada Al-Shabaab weerar ku qaadeen gaadiid Booliska Kenya ay saarnaayeen oo marayay degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya.

 

Dowladda Kenya ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000-Askari oo Qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ujeedkiisa yahay la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

Al-Shabaab ayaa marar badan weeraray dad masiiixiyiin iyo Ciidamo Kenya ka tirsan ay ku dileen ku qaaday Kenya,waxaana ugu darnaa Labadii weerar ay ku qaadeen xarunta Ganacsiga Westgate Mall iyo Jaamacada Gaarisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here