Wararka ka imaanaya deegaanka Miir-taqwo ee Gobalka Shabeelada Dhaxe ayaa sheegaya in Askari Katirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu halkaasi ku dilay dad shacab oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Dilkaan ayaa yimid kadib markii dad shacab ah oo dagaalamayay uu askarigaan soo kala dhax galay isku dayayna inuu dadkaasi kala ceyriyo, balse haweynkii halkaasi ku dagaalamayay qaarkood ay askariga baangado la dhacen taasi oo keentay in askariga isna inuu weerarka lagu qaaday Rasaas uga jawaab celiyo.
Xiriiro ay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho Lasameysay dadka deegaanka ayaa u sheegay Rasaasta uu furay Askariga in ay qof oo dumar ku geeriyootay halka mid kalana ay ku dhaawacantay.
Haweyneedii ku dhaawacantay rasaasta uu furay askariga ayaa loosoo qaaday Magaalada Muqdisho si xaaladeeda Caafimaad loogu dabiibo

