Kulan ay Maanta Magaalada Baydhabo ay ku yeesheen Xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu Saxiixay Mooshinka Kalsooni kala laabashada Madaxweyne Shariif oo lagu Eedeeyey Howl Gudasho la’aan.
64-Xildhibaan oo ka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaa ay ku Saxiixeen Mooshin laga wado Madaxweynaha Maamulkaasi waxaan Xildhibaanadu ay Go’aamiyeen in Asbuuca soo Socda si Rasmi ah Cod loogu qaado Dalabka Xildhibaanada ee ah Xilka laga qaado Shariif Xasan.
Xildhibaan Maxamed Nuur oo ka tirsan Xildhibaanada ku kulmay Baydhabo ayaa Idaacada Simba u Sheegay in Mooshinkaan Maanta ay Saxiixeen Dhamaan Mudanayaasha kulan soo Xaadiray.

