Faah-Faahin dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo Saakay ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Buurhakaba iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.
Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Koofur Galbeeed oo kasoo anba baxay Magaalada Buurhakaba kuna Sii jeeday Magaalada Baydhabo aya waxaa Wadada u galay Ciidamo katirsan kuwa Xarakada Al-shabaab, waxaana Halkaasi ka dhacay Dagaal Xoogan Oo laba dhinac Qasaaro kala duwan uu kasoo gaaray.
Xiriiro ay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho la sameysay dadka deegaanka ayaa u sheegay in Dagaalkaasi uu jiro la iskuna adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan. Balse aysan Xaqiiji Karin qasaaraha rasmiga ee dagaalkaasi ka dhashay.
Wali Dowlada Soomaliya kama aysan hadlin dagaalka Sakay ka dhacay Gobolka Bay, balse waxaa halkaasi dhowr jeer oo hore ka dhacay Dagaalo u dhaxeeyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Dowlada Ithoopiya iyo kuwa Xarakada AL-shabaab.

