Madaafiic lagu Tuuray Saldhig ay ku Sugnaayeen Ciidamada Maamulka Jubaland

0

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in tiro madaafiic ah lagu Tuuray saldhig Ciidamada maamulka Jubaland ay ku lahayeen duleedka Magaaladaasi.

Dadka deegaanka waxey warbaahinta u xaqiijiyeen in Madaafiicdaas in ay jirto balse aysan kala cadeyn Karin halka lala bar tilmaameedsaday iyo cida ka danbeysay Madaafiicdaas.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay ka danbeeyeen Madaafiicdaas Guutada Madaafiicda Al-shabaab waxey sheegeen iney Tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhig Ciidamada Maamulka Jubaland ay ka sameysteen deegaanka Buulo Gaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Magaalada kismaayo ee ku aadan Madafiicdaan la sheegay in lagu garaacay Saldhig Ciidamada Maamulka Jubaland ay ka sameysteen deegaanka Buulo Gaduud.

Weerarkan Madaafiicda ayaa kusoo aadaya Xili Maalin-nimadii Shalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe uu booqday Xerada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Kismaayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here