War DEG DEG:-Dagaal U Dhexeeya Ciidamada Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Socda Bariga Gobalka Mudug.

0

Wararka naga soo Gobalka mudug ayaa sheegaya in Dagaal Culus uu ka socdo Deegaanada Xaafoodle iyo Qodgaashaan oo dhaca Bariga Magaalada Gaalkacyo kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Daraawiishta Maamulada Galmdug iyo Puntland.

Dadka Deegaanka ayaa Idaacada Simba u Sheegay inay saaka ku War heleen Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Galmudug oo wata Gaadiidka Dagaalka.
Mas’uuliyiinta Galmdug iyo Puntland oo aan dhankooda Xiriir la Sameynay ayaa Xaqiijiyey Dagaalkaasi waxaase midba midka kale uu ku eedeynayaa Bilowga Dagaalkaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here