Dagaal Culus oo Ka dhacay deegaanka Cadow Dibille Sh-Hoose

0

Faah-Faahin dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Xarkada Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday fariisimo Ciidamada Dowlada ay ku lahayeen deegaanka Cadow Dibille oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Afgooye, waxaa la tilmaamayaa in dagaalka la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xarakada Al-shabaab oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in dagaalka ay ay qaadeen Dagaal-yahanadooda Qasaarana ay ku gaarsiyeen sida ay shegeen isbaaro Ciidamada Dowlada u tiilay oo dadka shacabka l agu dhibateynayay oo ku taalay deegaanka Cadow Dibille oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Afgooy.

Lama Xaqiiji karo Qasaaraha rasmiga ee soo kala gaaray dhinac yadii halkaa ku dagaalamay,balse waxii kusoo kordha waan idinla wadaaagi dooonaa.

Wali Dowlada Soomaliya kama aysan hadlin dagaalka maanta ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo maalmihii dambe Gobolka uu ka jiray dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab oo muddo ku sugnaa Gobolka.