wararka ka imaanaya deegaanada Jamhuuriyada iskeed isku magacawday ee Soomaaliland ayaa ku waramaya in halkaasi lagu rasaaseeyay dad shacab ah oo dhigayay banaanbax ka dhan ah Maamulka Hargeysa ka arimiya.
Ugu yaraan todobo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay askar taabacsan Jamhuuriyada iskeed isku magacawday ee Soomaaliland ku rideen dad shacab ah ee dhigayay banaanbaxa.
wararka ay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ka heleyso halkaasi aya sheegaya dadka dibadbaxa ka dhigayay Badhan ay diidan yihiin inay ka qeyb qaataan doorashada Somaliland, iyagoo digniin udiray shakhsiyaad kasoo jeeda degaanka oo iskudayaya inay Badhan geeyaan sanaadiiq cod bixinta loogu tala galay.
dhanka kale Maamulka gobolka Sanaag ayaa weli kama hadlin shaqaada maanta ka dhacday Badhan.

