Al-shabaab oo sheegatay dilal Ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Rag hubeysan oo katirsan Al-shabaab ayaa waxey siyaabo kala duwan Muqdisho ugu dileen laba ruux oo la sheegay iney katirsanayeen Dowlada Soomaaliya.

Dilka kowaad oo loo geystay sarkaalad ka tirsaneyd Ciidamada Booliska, waxuuna dilkaasi ka dhacay Beerta Jaadka ee degmada Wajadir waxaa halkaasi lagu dilay Hal xidigle Kaaho Jaamac oo aheed sarkaal ka tirsan booliska dowlada Soomaaliya.

Dilka 2aad waxa uu ka dhacay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hurwaa waxaana halkaasi lagu dilay askari magaciisa lagu soo gaabiyay Jordan kaasi oo kamid ahaa Ciidamada Dowlada ee ka howlgali jiray Degmada Hurwaa.

Mas,uuliyada Dilalkaan loo geystay Hal xidigle Kaaho Jaamac iyo askari katirsanaa Ciidamada Dowlada ee Degmada Hurwaa ayaa waxaa dusha u ritay Xarakada Al-shabaab oo inta badan sheegata Qaraxyada Weerarada Xoog ku galka iyo dilalka Qorsheysan ee inta badan ka dhaca Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here