Taliska Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa ka hadlay Qarax khasaare dhaliyay oo ciidamadooda lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanada carbiska iyo lafoole ee duleedka Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson rono, oo la hadlay Warabaahinta Ayaa sheegay in in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.
“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah”, ayuu yiri Wilson rono.
Dhanka kale Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose oo ay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan qaraxa, dagaalka iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan lagu laayay deegaanada carbiska iyo lafoole ee duleedka Muqdisho.

