Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sugan diyaarad Meleteri oo ka timi Dowladda Turkey, waxaa lagu qaaadayaa dhaawacyadda halista ah, waxaa ku sugan isla garoonka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka Arimaha Dibada Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo wafdi uu hogaaminaayo wasiirka Caafimaadka dowladda Turkeyga.
Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaadanayay daabulida dadka dhaawacyada qaba oo saaka gawaari ambalaas looga soo qaaday isbitaalada kala duwna ee ku yaal Magaalada Muqdisho.
dadka dhaawacyada halista ah ee kala duwan qaba ee maanta loo qaaday dalka turkiga, ayaa waxaa halkaasi ku sii sagootiyay Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha wasiirada iyo Guddiga gurmadka.
warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada rasmiga ah ee ku aadan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee maanta laga qaaday garoonka diyaaradaha aadan cade, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi ay gaarayaan ilaa 40 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan.
Warar hoose oo ay idaacada Simba heleyso ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo kale oo loo qaadi doono dalka dibadiisa.
Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa saaka soo gaaray Muqdisho, si ay u caawiyaan dadka ku dhaawacmay qaraxa.









