Shil Sababay Qasaaro Dhimasho oo Maanta ka dhacay Duleedka Baladweyn

0

Shil gaari oo sababay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Baladweyn ee Gobalka Hiiraan.

Shilkan ayaa ka dhacay Duleedka Caasimda Gobalka Hiiraan, kadib markii ay isku Dhaceen laba gaari oo mid Xamuul yahay mid ka kalana yahay gaari Raaxo.

Shilkaasi yaa la sheegay inuu ku geeriyooday ganacsade caan ka ahaa Gobalka Hiiraan.

Mid kamid ah dadka Deegaanka oo Idaacada Simba la hadlay ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan hal ruux uu ku geeriyoodey Shilka Gaari, islamarkaana ay ku dhaawac-meen 2 ruux oo kale, kuwaasi oo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada baladweyn ee Gobalka Hiiraan.

Shilalka Gawaarida Xamuulka iyo kuwa Raaxada ayaa kusoo badanayay mudooyinkii danbe deegaanada iyo dagmooyinka Gobalka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here