Mareykanka oo Xaqiijiyay In Askar Looga Dilay Niger

0

Milatariga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in saddex askari looga dilay waqooyigalbeed ee dalka Niger, kadib marki ay la kulmeen weerar gaadma ah xilli ay wadeen howlgal roonda ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay laba askari oo kale oo Mareykanka.

Bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee fadhigoodu yahay Africa ayaa lagu sheegay in weerarka uu yimid xilli ay ciidamo ka tirsan kuwa howlgalada gaarka ah ee Mareykanka iyo askar ka mida milatariga Niger ay wadeen howlgal roonda ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerarkani lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Niger.

Ma jirto ilaa iyo iminka koox sheegatay mas,uuliyadda weerarkaasi, inkasto halkaasi ay ka dagaalamaan koox katirsan Al-qaacida.

Mareykanka ayaa waxaa Niger ka jooga ilaa iyo 800 oo askari oo tababarro siiya ciidamada qalabka sida ee dalka Niger.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here