Waxaa isbitaal ku yaala Xabsiga Dhexe ee Xamar ku Geeriyootay Deeqo Diraac Geeddi oo ku xukuneed xabsi 15 ah kadib markii lagu helay dambi ah in ay dileen iyada iyo rag kale Marxuum Nafiso Cusmaan Salaad oo ahayd gabar ardayad aheyd.
Deeqo Diraac Geeddi ayaa la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay xunuunsaneed islamarkaana la jiifiyay isbitaal ku yaala xabsiga Dhexe kadib markii uu soo wajahay cudurka Macaanka la yiraahdo ayna u geeriyootay.
“Maxkamadda waxaa u caddaatay in Xasan Maxamuud Cali Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xirsi Shaataa iyo Deeqo Diraac Geeddi ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku Xukuntay 1. Xasan Maxamuud Cali Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xirsi Shaataa waxay ku raacday Xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ahaa dil toogasho, Maxkamaddu waxa ay baabi’isay xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad ay ku xukuntay Deeqo Diraac Geeddi ee ahaa 10- sano waxa ayna ka dhigtay 15 sano oo xabsi ciidan ah” sidaas waxaa yiri 29-kii bishii june sanadkii 2014-kii Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur oo xiligaas xukunka lagu riday warbaahinta u aqriyay.

