Wararka ka imaanaya Gobolada Jubada Hoose ayaa ku waramaya in saakay uu dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan in uu ka socda deegaanka Kulbiyoow ee Gobolada jubada Hoose.
Dagaal ayaa waxa uu u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Kenya iyo Al-shabaab, waxaa dagaal uu ku bilowday weerar ismiidaamin ah uu fuliyay mid kamid ah dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo lagu qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihin deegaankaas.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaal haatan ka socda deegaanka Kulbiyoow ee Gobolada jubada Hoose ee koonfurta daka Soomaliya ee labada ciidan u dhaxeeya.
Warar lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in boqolaal katirsan ciidamada Al-shabaab ay aroortii hore weerar dhowr jiho ah kula jarmaaday saldhigga ciidanka Kenya ee Kulbiyoow oo qiyaastii 40 KM ujira xadbeenaadka ay labada wadan wadaagaan.

