Faah-faahin:-Al-shabaab oo La Wareegay Saldhiga Kenya Deegaanka Kulbiyoow

0

Warar Lagu baahiyay baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Al-shabaaba y si toos ula waregeen gacanta deegaanka Kulbiyoow Gobolka Jubada hoose oo kaabiga ku haya xaduuda Soomaliya iyo Kenya ay wadaan.

Shabaab waxa ay sheegeen in dagaalyahan ka Tirsan Ciidankooda uu gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu la galay Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya ay ku leeyihiin Deegaanka Kulbiyoow Gobolka Jubada hoose, islamarkaana uu saldhiga gudihiisa uu ka bilowday dagaal u dhaxeeyay labada Ciidan.

Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamada dowlada Kenya ay Saldhiga ka Carareen markii jab la gaarsiiyay wada sida hadalka u dhigeen, Islamarkaana laga qabsaday Saanad Malatari oo iskugu jira gaadiid dagaalka, iyo  hubk noocyadiisa kala duwan.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo loogu hadlaayo dagaalka deegaanka Kulbiyoow Gobolka Jubada Hoose, xili dhawaan Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba-land ay weerar ku qaadeen deegaanka Badhaadhe ee isla gobolka Jubada Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here