Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo ka Hadlay Sida loo Sugay Amniga Doorashooyinka+Dhageyso

0

Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay sida Ciidamada amaanka gaar Ciidamada Booliska ay u adkeeyeen amaanka goobaha doorashooyinka ay ka dhaceen.

Taliye Bishaar Axmed Geedi ayaa sheegay in iskaashi dhexmaray  Ciidamada booliska gobolka banaadir iyo kuwa Nabad Sugida qaranka Soomaliyeed in lagu sugay amniga goobaha doorashooyinka Gobolka Banadir isagoo sidoo kale tilmaamay in wixii xiligaan ka dambeeya ay u diyaar garoobi doonaan Sugida Amniga goobta lagu qabanaayo doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

“Runtii doorashada waa gaba-gabo mar hadii la doortay Guddoonada aqalka Sare iyo Golaha shacabka waxaa kaliyah dhiman waa doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya, Ciidamada booliska oo kaashanaya kuwa NISA guul ayay ka gaareen sugida amniga goobaha doorshooyinka”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir Bishaar Axmed Geedi.

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir Bishaar Axmed Geedi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka Gobolka Banaadir si loogu hortagayo dhinacyada qalqalka galinaayo doorashooyinka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here