Madaxa Hay’adda Cilmi Barista Badaha Soomaaliya Mudane Admiral Gaas faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo Wareysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyey heerka uu gaarsiisan yahay Xadgudubka Shisheeyuhu uu ku sameeyo Badaha Jamhuuriyada Soomaaliya.
Admiral Gaas Faarax Qare ayaa sheegay in daraasad ay samaysay Hay’adda Cilmi Baarista Qaranka Soomaaliya in lagu Ogaaday Heerka ku xadgudubka badaha Soomaaliya uu yahay Mid sii Kordhaya Kaas oo Dhaawac weyn u geystay kheyraadka Badaha oo ka mid ah Hantida keydka ah ee Qaranka Soomaaliya.
Admiral Gaas Qare oo horey u soo noday taliyihii Ciidamadii Dowladii Militariga aheyd ee Allaha unaxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre hanta ah Madaxa Hay’ada Cilmi Baarista Badaha ayaa Xusay inay Dowlada ay la socoto Xadgudubka iyo Dhibaatooyinka aan kala sooca la hayn ee loogeysanayo Kheyraadka Badaha waxa uuna intaa raaciyey Daraasada lagu Sameeyey Badaha Dalka in lagu Ogaaday in Sanadkii la soo dhaafay ee 2016-oo kaliya Qasaaraha lagaasiiyey Kheyraadka Badaha uu gaarayo ugu yaraan 300-Milyan (300,000,000 Million) oo Doollar taas Horseedi karta in la waayo Nuucyo badan oo ka mid ah kalluunka Biyaha Soomaaliya.
Admiral Faarax Qare ayaa Tilmaamay Wadamada Badan oo ay ka mid yihiin Iran,Yemen, Italy, Spain iyo Wadamo kale oo dhaca Qaaradaha Asia, Europe kuwaasi oo Caadaystay falal Jariifka Sharci darada ah ee ay ka Wadaan Badaha Jamhuuriyada Soomaaliya,Asagoo in ku daray waxa ka Qabadka Dhibaadataas ay Dowlada Soomaaliya ay Taag-weyday Maadaama aysan Dhisnay Ciidamadii Difaaca Biyaha Qaranka.
Ugu Danbeyntii Admiral Faarax Qare ayaa xusay in Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliya ay Qaramada Midoobay ay u Gudbisay dacwad ka dhan h Wadamada ku soo Duulay Kheyraadka Biyaha Soomaaliya ayna ka dalbaeen in badaha Soomaaliya laga soo saaro Maraakiib ku Howlgasha Magaca la Dagaalka Burcad-badeedka kuwaas oo ujeedkoodu oo yahay ina Si Sharci Daro ay ah u Gurtaan Kalluunka iyo Nuucayada kale ee Kheyraadka Badaha Soomaaliya.

