Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliiiska Magaalada Mandera ayaa lagu dilay weerar u dhaxeeyay laamaha amaanka dalkaasi iyo Xarakada Al shabaab kaa ay ku qaadeen magaalada mandera barqanimadii maanta iyadoo horay loo kordhiyay bandowgii magaaladaasi mandera saarnaa.
Sarkaalkan ayaa ka ag dhawaa banki ku yaala magaalada halkaa oo kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen isago oo xabado ku furay kooxihii weerarka ku qaaday bangigaasi markii dambana ay toogteen.
Saraaakiil u hadashay ciidanka booliiska magaalada mandera ayaa sheegay kooxaha weerarka ku qaaday bankiga in ay markii hore ku sugnaayeen goob u dhaw xarunta bankiga waxeyna ay sheegeyn in si nabad ah ay ugu guuleysteen in ay soo afjaraan weerarkaasi.
iyaga oo sidoo kale xusay ilaa imika in aysan jirin cid loo soo qabqabtay weerarkaasi kuwaa oo ay sheegeyn in ay ahaayeen shaqsiyad ay ka’soo talaabeyn xadka Kenya ay la’wadaagto Soomaaliya.
Magaalada mandera ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa horay loogu kordhiyay bandowgii saarnaa sabobo la’xiriira weeraro halkasi ku soo laablaabtay

