Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaliya ayaa ka warbixiyay qarax gaarigiisa loogu xiray masuul ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo barqnimadii maanta ka dhacay degmada Waabari.
Afhayeenka Gobolka banaadir Abdifitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa uusan wax ku noqonin mas’uulka, balse Al-shabaab ay doonayeen in ay qaarijaan.
Sidoo kale Afhayeenka Gobolka banaadir Abdifitaax Cumar Xalane ayaa ku amaanay Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Nisa Sida ay u fashileen qaraxa la doonayay in lagu qaarijiyo Afrax.
Ilaa haatan ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada qaraxa la doonayay in lagu qaarijiyo masuulka ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo magaciisa lagu soo gaabiyay Afrax.

