Ciidamo ka tirsan kuwa dowadda soomaaliya ayaa xabsi dhigay sarkaalkii uu hoostagayay Askari dhowaan dad shacab ah ku dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Maamulka degmada wadajir ayaa xaqiijiyay in ciidamada amaanka ay gacan ku dhigeen isla markaana xabsi ay u taxaabeen Sarkaal hogaamiye u ahaa ciidamo ka howgalayay degmada wadajir.
Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax ayaa sheegay Askariga dilka geystay in uu baxsaday, balse waxa uu sheegay in la soo xiray sarkaalkii uu hoostagayay Askarigaasi.
Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxa uu sheegay sarkaalka in hada uu xiran yahay, lana weydiinayo sababta falka uu u dhacay iyo sidoo kale sida lagu soo qabn karo gacan ku dhiig laha baxsaday.
Todobaadkaan Gudihiisa ayaa labo ruux oo ganacsato ahaa waxaa lagu dilay gudaha suuqa degmada wadajir waxan dilka Marxuumiinta geeriyooday ka danbeeyay Askari ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuuraha.

