Dhageyso:- War Ku Saabsan Dagaal Ka Dhashay Calanka Soomaaliya oo ay Itoobiya ka danbeyso Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug

0

Waxaa  dagaal xoogan uu ka dhacay  deegaanka Xanan oo katirsan tuulada Dudun oo kutaala xuduudka Puntlnd iyo dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia gaar ahan  dhinaca gobolka Mudug, waxa wararka aynu heleyno ay sheegayaan  inuu halkaas ka dhacay iska hor imaad dhexmaray maleyshiyo beeleed iyo ciidamo Liyuu Boolis.

Dagaalka oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay deegaankaasi uu maamulka gobolka Mudug ka taagay calanka Soomaaliya iyo midka Puntland islamarkaana laga dhigax dhigay xarumo caafimaadka, saldhig boolis iyo ceelbiyood.

 

Dowlad deegaanka Soomaalida  Ethiopia ayaa  ka xumaaday tilaabadaas kadibn waxa ay ciidan usoo dirtay  si ay ula wareegaan goobta calanka soomaaliya laga suray, balse mudo kadib waxaa dhacay iska hor imaad xoogan oo sababay dhimashada  saddex kamid ah maleeyshiyadii deegaanka ku sugneyd.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa burburiyay meesha calanka Soomaaliya iyo kan Puntland,waxayna guud ahaanba la wareegeen gacan ku haynta deeganaka.

Saakay waxaa soconayo dadaalo ay wadaan odayaal ka soo kala jeedo labada dhinac kuwaa oo doonaya in ay xaliyaan xiisada dagaal ee halkaasi ka jirta.

Waxa jira ciidamo ka tirsan kuwa puntland oo saakay buux dhaafiyay meelo ku dhow tuulada Dudun.

Halkaan kala soco War arinta Ku Saabsan

img_95d3bb-008ab3-a60b28-c6b4f8-78ba0d-d94da4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here