Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland in uusan abuurin qalaanqal siyaasadeed iyo colaad dalka ka dhacda kadib markii ay kasoo horjeysteen in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigo nidaamka 4.5.
Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Tilmaamay in doorashada soomaliya ka dhacaysa aan lagu saleyn Karin nidaamka heer degmo sababo la xiriira amaanka dalka aysan dowlada soomaliya gabi-ahaanba gacanta ku heynin.
Dhanka kale Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa sheegay in doorashada ka dhacda deeganada Maamulka Puntland lagu saleeyo nidaamka 4.5. sidaas darteed aan doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan aanan loogu saleyn Karin heer degmo,
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa si weyn ugu soo horjeystay in doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan lagu saleeyo nidaamka 4.5.

