Madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in aysan kooxdiisa xiiso u qabin lasoo wareegitaanka weeraryahanka kooxda Celta Vigo Nolito.
Laacibkii Hore ee kooxda Barcelona Nolito ayaa kamid ah xidigaha ay xiligaan xiiseenayso kooxda Barcelona inkastoo uu dhaawac garoomada kaga maqan xidigaan.
Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu oo saxaafada la hadlay kadib markii kooxda Atheltic Madrid ka adkaadeen ayuu Tilmaamay in uusan jirin qorshe ay kooxdiisa kula soo wareegayso weeraryahanka reer Spain ee Nolito.

