Ibraahin Shikshikow:- Waxaa Gubnay Gaadiid ay Lahaayeen al-shaabaab

0

Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegay in duqeyn ay diyaaradaha dowlada Kenya ka Fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Diinsoor lagu Gubay gadiid ay lahaayeen Xarakada al-shabaab,

Gudoomiyaha degmada Diinsoor  ee Gobolka Baay Ibraahin shikshikow oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ilaa dhow gantaal in Lagu garaacay meelo ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab, ay sababtay in lagu gubo gadiid dagaal ay lahaayeen ciidamada al-shabaab,

Dhanka kale Ibraahin waxa uu beeniyay in dad Rayid ahaa lagu waxyeeleeyay duqeynta diyaarahada kenya  ay Fuliyeen kadib markii ay soo baxeyn warar sheegaya In diyaaradaha dowlada Kenya ay duqeeyeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ahaa oo xoolo dhaqato u badnaa,

Shalay ayay aheyd markii diyaaradaha dowlada Kenya ay duqeeyeen deegaanada Raaxoole iyo Qod-qod oo labaduba hoos-tagga Degmada Diinsoor, ee Gobolka Baay,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here