spot_img

Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Dib Ugu Soo Laabtay Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya.

Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Mudane C/raxmaan Ducaale Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha  Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqanba in horumar buuxa laga gaadhay koboca dhaqaalaha Dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay mar kale Soomaaliya cagaheeda isku taagto.

Related Post

Wararka