Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya Mahad Cabdale Cawad ayaa kamid noqday Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya kadib doorasho ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Mahamed Cabdale cawad gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka federaalka Soomaliya iyo Xasan Maxamed Nuur ayaa ku tartamay kursiga beesha Dir Koonfureed, intii aysan bilaaban doorashada waxaa iscasilay Mudane Maxmed Axmed cawad.
Mahad Cabdala Cawad ayaa helay 50-cod sidaas ayuu ugu mid noqday xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaliya.

