madaxweynaha maamulka hirshabeele cali guudlaawe xuseen ayaa waxa uu kulan xasaasi ah la qaatay safiirka midowga yurub u fadhiya soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.
kulanka madaxweynaha iyo saafirka ayaa waxa ay uga wada hadleen arimo badan oo ku saabsan geedi socodka siyaasadeed dalka iyo arimo kale oo ku saabsan deegaanada maamulka hirshabeele
waxaana waxyaabaha ugu waaweyn ee labada masuul ka hadleen qeyb ka ah arimaha dib u heshiisiinta doorashooyinka dalka iyo hirgalinta mashaariic hormarineed oo laga hir galinayo deegaanada maamulka hirshabeele
safiirka midowga yurub ee somaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa dhankiisa madaxweynaha hirshabeele uga mahadceliyay qaabilaadiisa
waxaana dhankiisa uu sheegay in ay garab taaganyihiin guud ahaan soomaliya si gaar ahna maamulka hirshabeele islamarkaasna ay dyaar u yihiin in ay ka caawiyaan wixi ay u baahanyihiin
madaxweynaha cusub maamulka hirshabeele cali guudlaawe xuseen ayaa waxa uu kulamo ka waday gudaha magaalada caasimada muqdisho
waxaana la sheegay in madaxweynaha uu xal uraadinayo arimaha maamulkiisa heysta ee ka jira deegaanada hirshabeele

