wararka ka imaanaya gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada amaanka degmada caabudwaaq oo kaa shanaya taliska ciidanka degmada balanbale ee isla gobolka galgaduud ay in ay gacanta kusoo dhigeen dad dil ka geeystay duleedka degmada caabudwaaq
sacadihii lasoo dhaafay ciidamada Amaanka degmooyinka caabudwaaq iyo balanbale ayaa waxa ay howlgalo balaaran oo ay sameeyeen ay soo qabteen ilaa iyo shan qof oo lagu tuhmayo in ay dil ka geysteen duleeka degmada caabudwaaq ee waqooyinka gobolka galgaduud
waxaana dadkaan oo iskugu jira rag iyo dumar la sheegay i loo heeysto dil habeen ka hor loogeeystay nin ganacsade ah oo lagu magacaabijiray faadhige ibraahim
taliyaha ciiamka booliska gobolka galgaduud gaashaanle dhexe Sharmaake Cabdul Warsame iyo Taliyaha Saldhigga Degmada Caabudwaq Dhame Farxaan Xuseen Xassan ayaa waxa wararku ay sheegayaan in dadkani eedeysanayaasha ah ee la qabtay in ay ku wareejiyeen taliska ciidanka xooga dalka gaar ahaan qeybta 21 aad
muddoooyinkii dambe waxa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka galgaduud ka dhacayay falal amniga ka kasoo horjeeda oo ay geeysanayeen dad hubeysan
waxaana arintaasi gaashaanka udaruuray taliska ciidamada amaanka degmooyinka dhaca gobolka galgaduud kuwaasi oo sheegay in ay iska kaashanayaan sugida amaanka

