Madaxweynaha Hirshabeele Oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

0

madaxweynaha maamulka hirshabeele cali guudlaawe xuseen ayaa waxa uu kulan xasaasi ah la qaatay  safiirka midowga yurub u fadhiya soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez.

kulanka madaxweynaha iyo saafirka ayaa waxa ay uga wada hadleen arimo badan oo ku saabsan geedi socodka siyaasadeed dalka iyo arimo kale oo ku saabsan deegaanada maamulka hirshabeele

waxaana waxyaabaha ugu waaweyn ee labada masuul ka hadleen qeyb ka ah arimaha dib u heshiisiinta doorashooyinka dalka  iyo hirgalinta mashaariic hormarineed oo laga hir galinayo deegaanada maamulka  hirshabeele

safiirka midowga yurub ee somaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa dhankiisa madaxweynaha hirshabeele uga mahadceliyay qaabilaadiisa

waxaana dhankiisa uu sheegay in ay garab taaganyihiin guud ahaan soomaliya si gaar ahna maamulka hirshabeele islamarkaasna ay dyaar u yihiin in ay ka caawiyaan wixi ay u baahanyihiin

madaxweynaha cusub maamulka hirshabeele cali guudlaawe xuseen ayaa waxa uu kulamo ka waday gudaha magaalada caasimada muqdisho

waxaana la sheegay in madaxweynaha uu xal uraadinayo arimaha maamulkiisa heysta ee ka jira deegaanada hirshabeele

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here