Musharax Madaxweyne Oo Dalka Dibadiisa Ku Geeriyooday

0

waxa lagu soo waramayaa in saacadii lasoo dhaafay uu dalka mareykanka uu ku geeriyooday safiirkii hore ee soomaaliya u fadhiayay waashitoon

cabdikariin cali cumar oo ahaa musharax utaagnaa qabashada xilka madaxweynaha soomaaliya ayaa waxa uu ku geeriyooday magaalada colombus gobolka ohio ee dalka mareykanka

danjire  cabdikariin cali cumar ayaa waxa la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanunsanayay gudaha dalka mareykanka gaar ahaan isbitaalka ku yaal halkaasi

marxuunka  ayaa waxa uu ahaa danjiriihii ugu dambeyay ee soomaliaya u joogay dalka mareykanka xiligii ay jirtay dowladii uu hogaaminayay madaxweyne maxamed siyaad bare

masuuliyiinka ka tirsan dowladda ayaa durbadiiba ka tacsiyadeeyay geerida marxuunka waxa ay alle uga baryeen janatul fardowso ka waraabiyo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here